Farmaajo oo Awooddii Fulineed ka qaaday Ra’iisul wasaare Rooble.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Dowladda federaalka Maxamed Farmaajo ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Maxamed Rooble looga xayuubiyay awooddii fulineed.

Warqadda kasoo baxday xafiiska Farmaajo waxay Rooble ku eedeysay inuu qaatay go’aanno halis gelinayo dowladda, islamarkaana ka baxsan awoodiisa, sidaas darteedna uu qaatay go’aanka ah inuu awoodda fulinta ka qaado.

Qodobo ku qoran dastuurka gacan ku sameyska ah ee ay cid weliba dhanka ay doonto u weecin karto ayuu soo qaatay Farmaajo, kuwaasoo uu sheegay iney xoojinayaan go’aanka uu qaatay.

Waa tallaabadii ugu dambeysay oo uu qaaday Farmaajo, taasoo sii adkeyneysa khilaafka u dhexeea madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, kaasoo soo shaac baxay wixii ka dambeeyay markii Sirdoonka dowladda federaalka sheegay in Ikraan Tahliil ay dileen Al-Shabaab, walow Xarakada Al-Shabaab markii dambe iska beenisay arintaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.