Haweeney Kenyaati ah oo wiilkeeda u dishay lacag yar oo uu ka lumiyay darteed.
Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in saraakiisha Booliiska ee maamulka Kituyi ay xabsiga u taxaabeen haweeney si bareer ah u dishay wiil ay dhashay kadib markii uu ka lumiyay lacag ay wax ugu dirsatay.
Haweeneyda oo ay dad’deedu tahay afartameeyo ayaa si arxan darro ah u dishay wiilkeeda oo 10 sano jir ahaa, sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaas.
Dad goob joog ahaa ayaa waxay xaqiijiyeen in haweeneyda oo aad u careysan ay wiilkeeda u dishay lacag dhan 100 kun oo shilinka dalka Kenya ah taasoo marka doolar laga dhogo ka yar hal doolar amaba ah (0.9) halka marka shilinka Soomaaliga loo badalo ay noqoneyso (23 kun illaa 24 kun shilin Soomaali)
Hooyadan ayaa dilka wiilkeeda u adeegsatay Bakoorad iyo seef ama baangad. Marka hore waxay ku garaacday Bakooradda, kadibna waxay ku garaacday seefta.
Lacagta ayaa ahayd deyn lagu lahaa haweeneyda, waxayna u dhiibtay wiilkeeda si uu ugu geeyo ciddii ku lahayd hase ahaatee wuxuu usoo laabtay isagoo naxsan oo u sheegaya in lacagtii ka luntay.
Dhaqankan ayaa waxaa caan ku ah dadka cawaanta ah ee ku nool Kenya kuwaasoo isugu darsamay faqri iyo diin la’aan.