Hogaamiye Kooxeed Bashiir Raage oo Aakhiro U Hoyday.

Hogaamiye kooxeed, Bashiir Raage Shiiraar ayaa maanta ku dhintay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sida ay sheegeen dad ehelkiisa ah, wuxuu geeriyooday saaka aroor hore kadib xanuuno waayahanba uu la daalaa dhacayay.

Bashiir ayaa taariikhda uga jira baal madow oo mugdi ah, maadaama uu safka hore uga jiray hogaamiye kooxeedyadii culimada ka qafaalan jiray Muqdisho kana iibsan jiray sirdoonada shisheeye, sannadihii 2003dii illaa 2006dii.

Ninkan oo kamid ahaa ururkii la baxay “Argagixiso la dirirka” Soomaaliduna u bixisay (Ashahaado la dirirka) ayaa xilligaas ku faanay iney howshaas u wakiisheen waxa uu ugu yeeray Booliska adduunyada “Interpol” wuxuuna ahaa nin cilaaqo baac dheer la leh sirdoonada Yahuuda iyo Mareykanka.

Sannadkii 2016kii ayay ahayd markii uu isku soo sharaxay xilka madaxweynenimada DF, isagoo muddo tobaneeyo sano ahaa nin la shaqeeya ciidamada shisheeye ee kusoo duulay wadanka, inta badanna wuxuu u qaabilsanaa saad siinta.

Dadka Soomaaliyeed intooda badan gaar ahaan bulshada Muqdisho, waa ay ku farxeen galbashada Bashiir Raage, kaasoo ka tagay taariikh aad u liidata.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.