In kabadan 40 Yahuud Ah Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Shil ka Kacay Waqooyiga Falastiin.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Yahuudda ugu yaraan 5 ruux oo Yahuud ah ayaa ku dhimatay 39 kalena waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo fiidnimadii xalay ka dhacay meel u dhow deegaanka Jaliil oo ay xoogga ku haysato Yahuudda dhul boobka ah isla markaana ku yaalla waqooyiga dalka Falastiin.

Shilkaan khasaaraha geestay ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari bas ah oo siday rakaab gaaraya 40 ruux iyo gaari nuuca raaxada ah, kaas oo keenay in uu rogmado gaarigii baska ahaa isla markaana uu si xun u burburo, iyadoona dadkii saarnaa ay noqdeen mid dhintay iyo mid dhaawacmay.

Sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka dadka dhintay waxay kala ahaayeen 4 caruur ah iyo ruux haweenay ah, halka 5 qof oo ka mid ah dadka dhaawacmayna uu halis yahay dhaawacoodu.

Afhayeen u hadlay ciidamada Maamulka Yahuudda ayaa sheegay in ay Ciidamo gurmad ah u direen goobta uu shilka ka dhacay si ay gargaar deg deg ah ugu fidiyaan dadka ay waxyeellada ka soo gaartay shilkaaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.