Itoobiya Iyo Tigre oo Guulo Ka Kala Sheegtay Dagaallo Ka Dhacay Dalkaas.

Dagaalo culus ayaa 24kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay waqooyiga dalka Itoobiya kuwaasoo dhex maray ciidanka xukuumadda Adis-ababa oo garabsanaya kuwa xukuumadda Asmara iyo malleyshiyaadka qowmiyadda Amxaarada iyo ciidanka Tigree oo dhinac ah.

Dagaaladan oo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo askari oo labada geesood ah ayaa waxaa laga kala sheegayaa guulo. Dowladda Itoobiya waxay sheegtay iney askarteedu horumar weyn ka sameeyeen dhanka aagga gobolka Wallo oo kamid ah dulka Amxaarada.

Sidoo kale waxay sheegtay iney ciidankeedu horusocod sameynayaan islamarkaana kaabiga ku hayaan magaalada lagu magacaabo Muji oo ay ku dagaalamayaan ciidankooda iyo kuwa Tigree.

Dhankooda TPLF, waxay sheegeen iney si adag isaga caabiyeen weeraro ay kala kulmeen ciidamada huwanta ah, horumarna ay ka sameeyeen aagag ballaaran oo uu kamid yahay aagga degmada lagu magacaabo Gabrazabit.

Waxay intaa ku dareen iney halkaas maxaabiis ahaan ugu qabteen boqolaal askari oo isugu jira kuwa dowladaha Itoobiya iyo kuwa Eratariya, dhawaanna ay go’aan rasmi ah ka qaadan doonaan masiirkooda.

Maadaama Tigree ay ku guuleysteen iney degaankooda ka yar fogeeyaan dagaalka taa badalkeedana qabsadaan dhulka Amxaarada, waxay madaxdoodu fursad u heleen abaabul iyo iney bulshada la hadlaan kuna dhiira galiyaan dagaalka.

Afhayeenka TPLF, oo saacado ka hor bixiyay wareysi maqal iyo muuqaal ah ayaa waxa uu sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin heerka uu marayo dagaalka ka socda Itoobiya, wuxuu sheegay in ay ku guuleysteen iney burburiyaan ciidankii Itoobiya.

Isagoo sii hadlaya ayaa waxa uu xusay in cidda guushaasi gaartay aysan ahayn jabhadda TPLF, balse waxa guuleystay ay tahay qowmiyadda Tigree, oo ay dadkeedu yihiin sida uu sheegay kuwa aaminsan in kooda dhinta uu sharaf ku dhimanayo, kooda noolaadana uu sharaf ku noolaanayo. Wuxuu yiri: “ma jirto qowmiyad ku nool kartida aan ku nool nahay, qowmiyadaha kale ee dalka waa kuwa dulli iyo gumeysi ku jira”.

Dagaalada ka socda dalka Itoobiya ayaa waxaa todobaad walba ku dhinta boqollaal labada dhinac ah iyadoo ay burbureen magaalooyin iyo degaano badan.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.