Khasaaraha ciidamada Kenya ee Qarixii Laamu Oo Kordhey.

Waxaa la helayaa faafaahin horleh oo ku aadan khasaaraha ciidamad Kenya ku gaaray qarax maalintii shalay lagula beegsaday deegaanno katirsan gobolka Laamu oo kamid ah dhulka muslimiinta ee ay Kenya xooga ku heysato.

Qaraxa oo ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Kayunga iyo Shangani ee Laamu, waxaana lala eegtay gaari Biiji ah oo ay saarnaayeen ciidamo Kenyaati ah.

Tirada dhimashada ciidamada Kenya ayaa hadda gaartay 23 askari, halka dhaawaca uu marayo 15 askari.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan lagu beegsaday ciidamada Kenyaatiga ee geystay khasaaraha ba’an.

Laamu iyo dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya xooga ku heysato waxaa ka howlgala ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaasoo beegsada ciidamada Kenyaatiga iyo dadka Nasaarada ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.