Khasaare Culus Oo ka dhashey Camaliyad Nafhurnimo Oo ka dhacday Afaafka Madaxtooyada.

Afaafka hore ee laga galo xarunta madaxtooyada ee uu deganyahay madaxweynaha Dowladda federaalka ayaa waxaa ka dhacay camaliyad Nafhurnimo oo aad u culus taasoo gallaafatay nolosha xubno muhiim ah.

Xilliga ay camaliyaddu dhaceysay waxaa goobta ku sugnaa shaqaale katirsan Madaxtooyada iyo kuwa Wasaaradahah, kuwaasoo la baarayay, waxaana mar qura goobta ka qarxay jug culus.

Naftii hure katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay camaliyadda, kaasoo watay gaari miineysan, waxaana halkaas ka dhashey khasaare culus.

Ugu yaraan 16 ruux ayaa goobta ku dhimatay, halka 20 kalena dhaawacmeen, kuwaasoo dhamaantooda katirsan shaqaalaha madaxtooyada iyo wasaaradaha dowladda federaalka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda camaliyadan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.