Madaxweynihii hore ee Aljeeriya Butafaliqa Oo Geeriyooday.
War kasoo baxay madaxtooyada dalka Aljeeriya ayaa lagu sheegay geerida madaxweynihii hore ee dalkaas Cabdil Caziiz Butafaliqa, kaasoo sanado dheer maamulayay reer Aljeeriya.
Telefeshinka dalka Aljeeriya ayaa si kooban u baahiyay war la xiriira geerida Cabdil Caziiz Butafaliqa, isagoo aan sheegin macluumaad dheeri ah, hase yeeshe xubno katirsan ehelkiisa oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in Butafaliqa uu dhintay maalintii Jimcaha ah.
Waxaa lagu wadaa in janaazo rasmi ah loo sameeyo Butafaliqa, islamarkaana aaskiisa kasoo qeybgaleen masuuliyiin katirsan dowladda Aljeeriya, inkastoo la shaacin waqtiga rasmiga ah.
Ninkan 84 sano jirka ah ayaa maamulayay dalka Aljeeriya 20 sano oo xiriir ah, iyadoo markii dambe bishii April 2019-ka lagu qasbay inuu xilka isaga dego, kadib kacdoonno waaweyn oo ruxay dalkaas oo ay dhigeen dadka shacabka ah.
Sanadkii 2013-ka ayaa Butafaliqa waxaa kusoo booday xanuun dhanka maskaxda ah, kaasoo u horseeday inuu curyaan noqdo, islamarkaana waayo qeyb kamid ah caqligiisa, waxaana tan iyo wixii waqtigaas ka dambeeyay uu ahaa madaxweyne magac uyaal ah, iyadoo talada dalka ay gacanta ku hayeen jeneraallada milliteri.
Geerida Butafaliqa ayaa ka dhigan geeeri ku timid mid kamid ah madaxdii ugu waqtiga dheeraa ee wadamada caalamka Islaamka, muslimiintana dhulka la galay, dantooda gaarka ahna ku ilaashanhayay kuraasta talada.