Maraykanka Oo ka walaacsan in Soomaaliya ay ka dhacaan wixii ka dhacay Afqanistaan.
Ka dib jabkii ciidamada Maryakanka ku qabsaday wadanka Afghanistaan iyo burburkii ku yimid xukuumadii uu Maraykanku dalkaas ka dhisay , waxaa sii xoogeynaya walaaca ay muujinayaan reer galbeedka, taasoo ku aadan in jaamaacaadka Jihaadiga ee ka howglaa Africa ay iyaguna ugu dambeyn la wareegaan talada wadamada ay ka howlgalaan.
Generraalada millatariga Maraykanka ayaa aad uga digaya khatarta amni ee kasoo food leh Africa si gaar ah Soomaaliya oo ka mid ah dalalka uu ka socda halganka ka dhanka ah awoodo shisheeye oo soo duuley.
Lloyd Austin oo ah xoghayaha wasaaardda dagaalka ee dowladda Maraykaka oo waraysi gaar ah siinayay talefishanka ku hadla afka dowladda Maraykanka ayuu kusoo hadal qaaday dardarta ay ku socoto xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka jihaadda bariga Africa iyo guud ahaan jamaacaadka jihaadiga ee ka howlgala Africa.
Austin waxa uu sheegay in khatarta ugu wayni ee hadda uu dalkooda waajihi karo ay ka iman karto wadanka Soomaaliya isagoo u sababeeyay in xarakada shabaabul Mujaahidiin ay horumarisay tabaheeda dagaalka iyo in dalka uusan ka jirin nidaam dowladeed oo sal adag ku fadhiya.
Weeraradii ugu waaweynaa ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku beegstay Maraykanka iyo danahiisa waxay ahaayeen weeraradii Bellidoogle iyo Manda Bay, kuwaasoo banaanka soo dhigay awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee difaaceysa jiritaanka umadda Soomaaliyeed iyo taagdarida xagga sirdoonka ah ee Maraykanka, waxaana howlgalladaas lagu dilay kudhawaad 200 oo askari oo Ameerikaan ah.