Maxaa Isku Dhufeys geliyay Qaar kamid ah Culimada iyo Hay’adaha Reer galbeedka?
Waxa loogu yeero iskaashiga culimada caalamka Islaamka iyo machadka Tonny Baller oo ah machad uu aas-aasay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska ayaa gaaray heshiis rasmi ah, kaasoo ujeedkiisu yahay in lagu baadiyeeyo tobanaan kun oo kamid ah dhalinyarada muslimiinta.
War kasoo baxay waxa loogu yeero culimada iskaashiga caalamka Islaamka ayaa lagu sheegay iney heshiis wada shaqeyn iyo iskaashi la saxiixdeen machadka isbedel doonka caalamiga ee Baller, kaasoo qorshihiisu yahay in 100 kun oo kamid ah dhalinyarada muslimiinta lagu baro waxa loogu yeeray Fakarka iyo Naqdinta, taasoo ka dhigan in looga hor istaago nusuusta sharciga ah, laguna riixo iney nusuusta mucaaradaan, oo ay ku eegaan caqli ku sheeg mutaxan.
Dhalinyarada sida gaarka ah loo beegsanayo, islamarkaana la doonayo in lagu siiyo dowraadkan duminaya caqiidada saliimka ah waxay da’doodu u dhexeysaa 13 illaa 17 sano, waxaana ay kasoo jeedaan 18 dowladood oo kamid ah dowladaha caalamka Islaamka.
Sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay waxa loogu yeero iskaashiga culimada caalamka Islaamka, horudhaca mashruuca waxa uu noqon doonaa in la tababaro oo siminaaro la siiyo inkabadan 2400 oo macllimiin ah, kuwaasoo laga doonayo in markaas kadib ay madaarista iyo goobaha ay wax ka dhigaan ku diraaseeyaan manhaj qoran oo uu soo diyaariyay machadka Baller ee isbedel doonka ee caalamiga ah.
Waxaa macallimiinta la bari doonaa sida bayaanka lagu sheegay fakarka wax dhaliilista, kaaso oo ah in qofku aanu nusuusta sharciga ah isku dhiibin oo ay tahay inuu rog rogo caqli ahaan, waxaa sidoo kale la bari doonaa xiriirka caalamiga ah, si mahaaraatkaas ay ugu gudbiyaan ardeydooda.
Makra laga hadlo ujeedada guud ee mashruucan ballaaran, dhaqaalaha adagna lagu bixinayo, iskana kaashanayaan waxa loogu yeero iskaashiga culimada caalamka Islaamka iyo machadka uu dhisay ra’iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska Tonny Baller, waa in la isku soo dhaweeyaa dadka heysta diimaha kala duwan, sidoo kalena maanka dhalinyarada lagu shubaa iney si naxriis iyo soo dhaweyn ku jirta ula tacaamulaan qof kasta oo aaminsan waxaan ahayn diinta Islaamka.
Qorshaha lagu doonayo in siminaaro dumiyana diinta Islaamka, afkaar munxarif ahna ku beeraya maanka dhalinyarada muslimiinta lagu faafiyo wadamada caalamka Islaamka, iyadoo weliba la beegsanayo dhalinyarada da’da ee soo koreysa wuxuu si gaar ah u beegsanayaa mawaadiic la xiriirta Taariikhda, Caqiidada iyo arimo kale, kuwaasoo ah arimo xasaasi ah, oo ay culimada muslimiintu adkeeyaan in la iska ogaado cidda laga qaadanayo iyo waxay tahay.
Halkan ka dhagayso warbixinta oo dhameystiran.