Qarax ay ku dhinteen Saraakiil katirsan maamulka Jubbaland Oo ka dhacay Kismaayo.

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxay ku waramayaan in qarax xoogan uu ka dhacay gudaha magaalada, kaasoo gallaaftay nolosha askar iyo saraakiil katirsan ciidamada maamulka Jubbaland.

Qaraxan oo dhacay habeenkii xalay waxa uu ka dhacay goob isku imaatin ah oo ay ku caweeyaan saraakiisha maamulka Jubbaland, waxaana la helayaa xogo horleh oo ku aadan khasaaraha.

Ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ku nafwaayay qaraxa, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 17 askari oo ay ku jiraan saraakiil, taasoo waxyeellada guud ka dhigeysa 20.

Saraakiisha ku dhaawacantay qaraxa waxaa kamid ah taliye ku xigeenka CID-da maamulka Jubbaland ninka lagu magacaabo Mafoofe. dhaawaca sarkaalka ayaa lagu sheegay inuu garaab yahay.

Waxaa sidoo kale saraakiisha ku dhaawacantay qaraxa kujira sarkaal lagu magacaabo Kabtan Shukri Faarax Ducaale, kaasoo si gaar ah ula shaqeeya sirdoonka dowladda Kenya.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda howlgalkan gaarka ah ee habeenkii xalay ruxay magaalada Kismaayo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.