Weerar Dhabba-gal ah Iyo Kuwa Toos ah oo ka Dhacay Qeybo Kamid ah Goballada Dalka.

Xalay ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qarax iyo kamiin la beegsaday askar kirsan Maamulka Puntland oo marary duleedka magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Weerarka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Balli-Khadar iyo Sugurre oo dhaca duleedka Boosaaso, waxaana qaraxu uu haleelay gaari Cabdi-Bile ah, isagoona isla goobta ku bur buray.

Intaasi kadib weerar toos ah ayay la kulmeen askarta Puntland, iyadoona laga dilay hal askari, halka tiro kalena laga dhaawacay.

Isla xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah ku ekeeyay fariisimo ay askarta Ugandha iyo kuwa Kenya ku leeyihiin qeybo kamid ah goballada Sh/hoose iyo Jubada-hoose.

Halkan ka dhagayso warbixin howlgalladii ugu dambeeyay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.