Weeraro iyo Howlgallo ka dhacay Banaadir iyo Shabeellaha Hoose. (Dhagayso)

Habeenkii xalay, howlgallo dhowr ah ayaa ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaasoo lagu beegsaday ciidamada Dowladda federaalka.

Bar ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka oo ku taalla isgoyska Bakaaraha ee Muqdisho ayuu ka dhacay qaraxa, mana aanan helin waxyeello rasmi ah.

Waxaa sidoo kale qarax kale uu ka dhacay nawaaxiga isbitaalka xooga halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.

Masuul katirsan maamulka gobolka Banaadir oo deganaa degmada Deyniile ayaa sidoo kale xalay waxaa weerar toos ah lagu qaaday gurigiisa, halkaasna waxyeello kala duwan ayaa ka dhalalatay.

Qarax gelinkii dambe ee shalay deegaanka Daaru Salaam ee duleedka Muqdisho lagula beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamada Dowladda Federaalka waxaa ku dhintay 3 askari, halka uu ku dhaawacmey mid kale.

Halkan ka dhagayso faafaahin ku aadan howlgalladii ugu dambeeyay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.