Weeraro lagu qaaday Saldhigyada Xabashida ku leeyihiin Baardheere.

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weearar culus ku qaadeen saldhiga ciidamada Xabashida Itoobiya ku leeyihiin magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Weerarka oo ahaa mid culus islamarkaana jugtiisa aad looga maqlayay xaafadaha Baardheere iyo deegaannada u dhow ayaa soconayay in muda ah.
Weerar midkaas lamid ah oo barbar socday ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku qaadeen saldhig Baardheere ku leeyihiin ciidamada Soomaalida ee Itoobiyaanka ku wehlinaya duulaanka ay ku joogaan halkaas.
Ma helin khasaare rasmi ah oo ku aadan weeraradan ka dhacay Baardheere.