Weeraro Saacadihii lasoo dhaafey lagu beegsaday Shisheeyaha iyo DF. (DHAGAYSO)

Habeenkii xalay iyo shalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan waxay ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeye iyo kuwa DF.

Weeraradaan ayaa waxa ay ka kala dheceen goallada Jubooyinka Sh-hoose iyo Baay iyo Bakool.

Haddaan ku horreyno goalka Sh-hoose waxaa shalay galinkii dambe lagu weeraray ciidamada DF oo ku sugnaa qeybo kamid ah gobalkaas.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayay ciidamada Mujaahidinta ku qaadeen saldhig ay askarta DF ku leeyihiin degmada Jannaale ee gobalka Sh-hoose.

Dhanka Jubada hoose waxaa iyana habeenkii xalay lagu weeraray ciidamada Kenya ee qeybta ka ah duullaanka Shisheeye iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Deegaannada Kulbiyoow iyo Cabadalla Biroole ayaa lagu weeraray ciidamda Kenya, waxaana in muddo ah ay rasaastu ku socotay saldhigyada ay kuleeyihiin deegaannadaas.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa dhowr jiho ka wareeray Keenyaanka ku sugan Kulbiyoow iyo Cabdalla Biroole, mana helin faahfaahin ku aaddan weerardaas.

Isla Jubada-hoose waxaa xalay la wareeraray fariisin ay askarta Axmed Madoobe ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Gobalka Bakool waxaa isana habeenkii xalay la wareeray laba fariisin oo ayciidamada Maamulka Kooonfur-Galbeed ku leeyihiin qeybo kamid ah gobalkaas.

Farsiimaha la wareeray ayaa waxay ku kala yaallaan Degmooyinka Xudur iyo Waajid oo kawada tirsan Bakool, waxaana ciidamada Koonfur-galbeed in muddo ah ko cocotay rasaasta Mujaahidiinta.

Isku soo wada duuboo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeen waliba beegsada saldhiyada ay ciidamada Shisheeye iyo kuwa Soomaalida ah kaga sugan yihiin qeybo kamid ah goballada dalka, waxayna weeraradaas hoyaad u diideen Afrikaanta iyo kuwa hoos shaqeeya.

Halkan ka dhagayso dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.