14 Askari Kenyaati ah Oo lagu dilay Qarax ka dhacay Laamu.

 

Gaari ciidamada Kenya leeyihiin oo ku gubanaya gudaha dhulka Kenya

Wararka naga soo gaaraya gobolka Laamu oo kamid ah gobollada dhaca xeebta, ahna gobol ay degaan dadka muslimiinta, dowladda Kenyana xoog ku heysato ayaa tilmaamaya in qarax culus lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo Kenyaati ah.

Qaraxa ayaa burburiyay gebi ahaanba gaariga lala eegtay, waxaana dhimasho noqday askartii saarneyd.

Ugu yaraan 14 askari oo katirsan ciidamada Kenya ayaa ku go’ay qaraxa, sida ay tilmaamayaan ilo xog ogaal ah oo ana soo xiganeyno.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan culus ee mar qura diley 14 askari oo Kenyaati ah.

Laamu ayaa kamid ah gobollada ay gumeysato dowladda Kenya oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyaan howlgallada jihaadiga ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.