Al-Shabaab Oo Sarkaal Ciidan Si La yaab leh ugu diley Hoygiisa oo ku yaala Afmadow.

 

Magaalada Afmadow ee Jubbada Hoose waxaa habeenkii xalay ka dhacay howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo katirsan Mujaahidiinta ayaa bartamaha magaalada Afmadow waxay ku dileen sarkaal sare oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland.

Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabaa Axmed Aadan Cabdi oo loo yaqaano Axmed Geney, kaasoo caan ka ahaa Afmadow iyo hareeraheeda.

Gudaha guriga uu ka deganaa Afmadow ayaa lagu dhex diley Axmed Geney, waxaana si nabadgeliyo ku dheehantahay goobta isaga soo tagay ciidamadii Mujaahidiinta ee howlgalka fuliyay.

Sarkaalkan ayaa kamid ahaa saraakiisha ciidan ee sida aadka ah ugu dhow Axmed Madoobe, aadna uu ugu kalsoonyahay.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.