Askar Hindi Ah Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Gobalka Kashmiir.

Saraakiil katirsan dowladda Hindiya ayaa ku dhawaaqay in weerar ka dhacay meel u dhow deegaanka Poonch oo dhaca xadka u dhaxeeya dowladaha Hindiya iyo Pakistan lagu dilay 5 askari oo ka tirsan ciidamada Hindiya.

Saraakiisha xukuumadda New Delhi ayaa intaas ku daray in iska hor imaadku uu yimid kadib markii ciidamada Hindiya ay hareereeyeen tuulo ku taal aagga Poonch, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dabley hubeysan ay halkaasi isku aruursanayaan.

Iska hor imaadka ayaa si gaar ah kaga dhacay dhulka buuraleyda ah ee udhow Khadka kala qeybiya gobolka Kashmir ee u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan.

Kani waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado ciidamada Hindiya tan iyo bishii Febraayo 2021 xiligaas oo laga dilay tiro dhowr ah oo ka tirsan ciidamadooda.

Ciidamada dowladda Hindiya ayaa waayahaan danbe waxay gobolka Kashmir ka wadeen xasuuq ka dhan ah dadka Muslimiinta ah ee ku nool halkaas, iyadoona dadka deegganka ay soo dhaweeyeen weerarka lagu dilay askartaan.
Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.