Askari Lagu dilay Gurigiisa Oo ku yaala Baardheere iyo Weeraro ka dhacay Jubbooyinka.
Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa xalay ka dhacay howlgal gaar ah oo lagu dilay askari katirsan Dowladda federaalka.
Rag hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta ayaa gurigiisa ku dhex diley askari lagu magacaabo Xasan Inyow, kaasoo katirsanaa ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Baardheere.
Dilka askarigan iyo qaabka loo dilay waxaa saaka aad looga hadal hayaa magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo ah halka uu dilka ka dhacay.
Dhanka kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay habeenkii xalay silsilado weeraro ah ku qaadeen ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbada Hoose.
Kulbiyow, Kudhaa iyo deegaanka Cabdalla biroole ayaa lagu weeraray ciidamada Kenya, waxayna weeraradu ahaayeen kuwa aad u culus.
Lama helin xogta rasmiga ah ee khasaaraha gaaray ciidamada Kenya ee ku sugan difaacyada la weeraray.