Ciidamada Kenya Oo Lagu Weeraray Jubbada Hoose.

ujaa

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus waxay ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaan katirsan Jubbada Hoose.

Saldhiga ciidamada Kenya ee deegaanka Taabto ayaa xalay la kulmey weerar culus oo ay ku qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dagaalka waxa uu socday in muda ah, iyadoona la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Lama helin xogta rasmiga ah ee khasaaraha iyo waxyeellada gaartay ciidamada Kenya ee weerarka lagu qaaday.

Wuxuu kusoo aaday weerarkan, iyadoo maalintii shalay qarax gobolka Laamu lagula beegsaday ciidamada Kenya lagu dilay 14 askari oo Kenyaati ah.

Dowladda Kenya ayaa qeyb ka ah Shisheeyaha kusoo duuley dalka Soomaaliya, waxaana ay ciidankeeda joogaan qeybo kamid ah gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo, halkaas oo ay ka wadaan gabood fallo kala duwan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.