Ciidamada Suufiyada Oo La Wareegay Guriceel. (Dhagayso)
Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa la wareegay ciidamo katirsan malleeshiyaadka Suufiyada, kuwaasoo kasoo horjeeda maamulka Galmudug.
Ciidamo ku hubeysan noocyada kala duwan ee hubka, islamarkaana saaran gaadiidka dagaalka ayaa shalay gelinkii dambe gudaha u galay magaalada Guriceel, halkaas oo ay isaga baxeen ciidamada maamulka Galmdug.
Xiisad colaadeed ayaa ka taagan magaalada Guriceel, waxaana laga cabsi qabaa in magaalada ay ka dhacaan dagaallo dhexmara dhinacyada isku haya.