Dagaallo Culus oo Ka Holcaya Itoobiya Iyo Halka La Kala Marayo. (Warbixin)

Dagaallo xiriir ah oo aan saacad loo kala nasan ayaa muddo todobaad ku siman ka holcaya dalka Itoobiya, labada dhinac ee dagaalamayaahina ma jiraan wax ay iskula hareen oo awood iyo cudud milatari ah.

Dowladda Itoobiya oo ay wehliyaan xulufo badan oo Afrikaan iyo Aasiyaan isugu jira ayaa duullaano dhowr jiho ah ku qaaday qowmiyadda Tigree, Dagaalada ugu ba’anna waxay ka dhaceen dhanka Canfarta oo Tigrega lagaga soo duulay iyo dhanka Amxaarada oo markii hore furin ahaa.

Inkastoo ay wali hardamayaan labada geesood, haddana waxaa soo baxaya warar ku aadan natiijooyinka lagu kala gaaray aagga qaar. Kooxda TPLF oo si joogta ah warbaahinta ugu soo gudbisay xaaladda dagaalka dhankaasna kaga horreysa dowladda ayaa xaqiijisay in ay ku itaal roonaatay dagaalkii ka socda jihada Canfarta.

Waxay sheegeen in ciidanka Itoobiya ay ka dileen askar aan cadadooda la xisaabi karin ayna ka qabsadeen hub ay kamid yihii Taangiyaal, taasna ay daliil u tahay iney hadda iyagoo joogaan magaalooyinkii ay markii hore ciidankaasi ku sugnaayeen oo kala ah Jifra, Arwa, Haro iyo kuwa kale.

Wakaaladda wararka ee Faransiiska oo soo xiganaysa ilo ku sugan Itoobiya ayaa sheegtay in dagaalka ka dhacay dhulka Canfarta uu ahaa mid aad u xooggan. Guulaha ay ku faanayaan Tigre- islamarkaana ay soo bandhigeen waxaa kamid ah inuu isku soo dhiibay madaxweynihii hore ee degaanka Canfarta Haji Seyoum iyo malleyshiyaad uu watay.

Tigre-gu waxay sheegeen in ciidankooda halkan ku guuleystay loo diyaariyay iney qabsadaan magaalada Adis-ababa oo ah caasimadda Itoobiya, tan oo durbadiiba qalqal ku keentay xukuumadda Abiy Axmad. Waxay soo bandhigeen muuqaalada gaadiid badan oo ay ciidamadoodu saaran yihiin islamarkaana afka aadiyay dhankaa iyo magaalo madaxda.

Aagagga sidoo kale aadka loogu dagaaamay waxaa kamid ah dhulka Amxaarada oo ah halkii ay ciidamada Itoobiya doonayeen iney ka dhaqaaqaan sidaana ku aadaan caasimadda Tigre-ga ee Maqalle, Laakib TPL waxay sheegeen in dagaalka aagga Amxaaradana ay ku guuleysteen, siiba dhanka Gonder, waxay xuseen iney qabsadeen aagaggii ay ciidanka Itoobiya kasoo duuleen.

Getachew Reda, oo ah afhayeenka TPLF, wuxuu sheegay in ay cagta mariyeen ciidamadii ay dowladda Itoobiya ku qabsan lahayd magaalada Maqalle, sidaasina uu ku dhamaaday damacii ahaan qabsashada Maqalle. Geesta kale General Burhanu Jula oo ah taliyaha ciidanka milatariga Itoobiya ayaa sheegay in askartoodu ay si dardar leh u wadaan dagaalka.

Duullaanka lagu qaaday Tigre ayaa ah mid cirka iyo dhulkaba ah oo aan waxba loo reeban waxaana ka qeyb qaadanaya oo Itoobiya la safan dhowr dowladood oo hawada sare ka duqeynaya Tigre-ga, kuwaasoo kala ah Shiinaha oo isticmaalaya diyaarado Drone ah oo la yiraahdo Winglon, Iiraan, Imaaraadka carabta iyo Eratariya.

TPLF, waxay sheegayaan in aysan wax saameyn ah ku yeelan duqeymaha maadaama ay ka dagaalamayaan dhul u badan buuraley iyo magaalooyinka qowmiyadda Amxaarada oo intooda badan burburay sidii madaafiicda goobta iyo kuwa diyaaradaha la isku weydaarsanayay.

Dhankooda Amxaaradu waxay sameeyeen dhoolatusyo ay ku sheegayaan in aysan marnaba dhici doonin in dalka Itoobiya ay ka hir galaan wax aysan Amxaaradu majaraha u hayn ama raali ka ahan. Dadka isku soo baxa sameeyay ayaa u muuqda intooda badan kuwa waasha marka loo eego ficilada iyo dhaqdhaaqyada ay sameynayaan.

Mid kamid ah saraakiisha dowladda Itoobiya ee kasoo jeeda qowmiyadda Amxaarada ayaa wuxuu meel fagaare ah ka sheegay in dadka Amxaaradu ka nasabsan yihiin qowmiyadaha Itoobiya intooda kale oo uu xataa Soomaalida kusoo daray.

Wuxuu sheegay in halkii Amxaar uu ku diyo yahay 100 qof oo Itoobiyaan ah, isagoo arrintaas sii faahfaahinaya ayaa wuxuu sheegay haddii Oromo ay disho hal Amxaar iney ugu aargudayaan 100 Oromo ah, si lamid ah wuxuu sheegay haddii Binishangul ay disho hal Amxaar ah iney u dilayaan boqol Binishangul ah, haddii nin Soomaali ah uu si xun u eego qof Amxaar ah wuxuu sheegay iney u dilayaan kun Soomaali ah.

Wuxuu intaa ku daray in Amxaaradu ay yihiin dad taariikh leh oo waligoodba adoomo loo ahaan jiray, sida uu hadalka u dhigay, waxaana hadalka ninkan uu noqday wax lala yaabo. Amxaarada ayaa qarka u saaran iney waashaan maadaama dhul badan oo kooda ah ay qabsatay Tigree qeybo kalana ay noqdeen furimo dagaal, marba marka ka dambeysana lagu soo siqayo.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.