Dagaalo Xooggan oo Aan Waxba La Isku Reebanayn oo Ka Socda Dalka Itoobiya. (Warbixin)

Inkastoo shantii maalmood ee lasoo dhaafay ay si xiriir ah dagaalladu uga socdeen gobolada Wallo iyo Gonder, haddana shalay iyo maanta ayaa ugu sii daran, kadib markii ay is fara saareen dhammaan ciidamada furimaha ku sugan ee Tigre iyo kuwa dowladda Itoobiya oo xulufo badna wata.

Gulufkan oo ay qaaday xukuumadda Abiy ayaa waxa uu isugu jiraa cir iyo dhul intaba, labada dhinac ee hardamaya waxay iska dileen kumannaan askari shalay iyo maanta oo kale sida ay sheegayaan dadka wararka kasoo tabiyaga dalkaas.

Iyadoo ay dagaaladu si xawli ah u soconayaan ayaa waxaa saacado ka hor Warsaxaafadeed soo saarat qowmiyadda Tigre kaasoo ay qeyla-dhaan ugu dirsadeen dowladaha Kiristanka ee reer Yurub iyo Mareykanka, kuna sheegeen in lagu soo qaaday duullaan isir sifeyn ah oo lagu doonayo in lagu dabar jaro Tigre.

Waxay sheegeen in qolyaha la baxay beesha caalamka ay kal hore la hadleen Abiy, una sheegeen inuu gumaadka iyo xadgudubka joojiyo, balse taa uu kibir kasii qaaday islamarkaana sii laba jibaaray duullaanka ka dhanka ah TPLF.
Warsaxafadeedka waxay ku sheegeen in ciidanka Itoobiya ay jab weyn la kulmeen todobaadyadii lasoo dhaafay, dagaalkanna uu u muuqdo mid lagu qarinayo jabkaas iyo waji gabaxa ay goobaha dagaalka kala kulantay dowadda Itoobiya.

Marka laga yimaado Warsaxaafadeedkan, waxaa jira hadal kale oo hanjabaad ah oo iska saacado ka hor kasoo baxay dowadda Itoobiya oo dagaalyahanada TPLF loogu sheegayo iney muddo 48 saacadood ah isku soo dhiibaan haddii kalana mid mid loo qaban doono.

Afhayeenka TPF, oo lagu magacaabo Getachew Reda, oo ka jawaabaya hadalkan ayaa waxa uu sheegay in aysan marnaba dhici doonin in ciidanka Itoobiya ay dib u qabsadaan caasimadda Tigre ee Maqalle.

Wuxuu ku yiri: “Sow ma tihiin kuwii aan soo eryanay oo kasoo cararay hubkooda iyo kabahooda, sow ma tihiin kuwii dhaawacyadooda kasoo cararay, ma dib ayaa la idiin abuuray oo aad soo noqoteen rag sidii hore ka duwan” Wuxuu sheegay in Tigre aysan gorgortan ka gali doonin jiritaankooda.

Haddaba iyadoo ay aad usii holcayaan dagaalada, siiba kuwa maanta socda oo aan waxba la iskula harin ayaa waxaa jirta in ay is khilaafeen Amxaarada iyo ciidanka Eratariya ee ay xulufada yihiin. Amxaaradu waxay askarta Eratariya ku eedeeyeen iney kaga bexeen aagag dagaal oo ay ku aadanaayeen taasina ay keentay iney culesyo iyo khasaarooyin la kulmaan.

Horey Amxaaradu waxay Eratariyaanka ugu eedeeyeen iney si hoose ula shaqeynayaan Tiogre, daacadna uusan ka ahayn dagaalka, kalsooni darradan ayaana keeni karta jab xooggan oo soo gaaray dowladda Itoobiya iyo xulufadeeda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.