Duqeyn iyo Weerar Lagu Qaaday Saldhiga Af-urur ee gobolka Bari.

 

Ciidamada guutooyinka Al-Qudus ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kana howlgala silsiladda buuraleyda Goolis ayaa weerar culus ku qaaday ciidamada maamulka Puntland ee ku sugan deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Duulaanka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ku billowday duqeymo culus oo lagu garaacay saldhiga ciidamada maamulka Puntland.

Madaafiic dhowr ah ayaa gudaha ugu dhacday saldhiga Af-urur, taasoo ku qasabtay ciidamada maamulka Puntland iney kasoo baxaan saldhiga si aaney ugu go’in.

Markii ay xerada kasoo baxeen ayaa waxaa dagaal culus kala hortagay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana halkaas in muda ah ka socday dagaal adag.

Lama helin xogta rasmiga ah ee khasaaraha gaaray ciidamada maamulka Puntland ee lagu weeraray dagaalka.

Saldhiga Af-urur ee gobolka Bari wuxuu dhowr jeer oo hore la kulmey weeraro adag oo uga yimid dhinaca ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaasoo khasaare adag lagu gaarsiiyay ciidamada maamulka Puntland.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.