Garsoore Soomaali Ah oo Ka Tirsan ICJ oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Xadeynta Qalloocan Ee Ay Maxamadu Sameysay.

Garsoore Soomaali Ah oo Ka Tirsan ICJ oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Xadeynta Maxamadda. Waxaa isi soo taraya caddeymaha muujinaya in dhul badeed ay leedahay Soomaaliya la siiyay dowladda Kenya, arrintan oo meesha ka saareysa dabbaal-degyada laab-la-kaca ahaa ee ay sameysteen madaxda DF.

Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo tirsan maxkamadda Reer Galbeedka ee ICJ ayaa sheegay iney sharci darro ahayd tallaabada ay maxkamaddaas ku leexisay xariiqda badda islamarkaana usoo weecisay dhanka Soomaaliya halkaasoo ay Kenya ku hantisay dhul badan oo sharci darro ah.

Wuxuu muujiyay iney jirto dhagar, waayo, sida uu sheegay garsoorahu waxay ka tallaabsadeen dowrkoodii iyagoo guda galay Juqraafiga iyo iney wax kala xadeeyaan, halkii ay ahayd iney ku dhawaaqaan natiijada oo kale ama ku ekaadaan in Kenya ay gardaran tahay oo aysan lahayn dhulka ay sheeganayso.
Dhulka ay Kenya heshay ayuu Cabdulqawi ku tilmaamay mid ay si sharci darro ah ku heshay taana ay u suura gelisay maxkamadda ICJ.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegaya inuusan ku qanacsanayn dhul badeedka sharci darrada ah ee uu helay, waxaana diidmadiisan ay siyaasiyiintu ku tilmaamayaan oohinta Yaxaaska, waa arrin uu ku marin habaabinayo dadka Soomaalida ah.

Madaxda DF ayaa sheegay dhankooda iney ku faraxsan yihiin go’aanka maxkamadda iyagoo aanan waxba u arag xariiqda loo soo qalloocoyay dhanka Soomaaliya iyo dhul badeedka baaxadda leh ee ay halkaa ku weeneyso ummadda Soomaaliyeed.

In kiiskan uu ahaa mid halis ah waxaa laga dheehan karayaa sida uu Shariif Sheekh Axmad, shalay isaga fogeeyay inuu ogaa markii C/raxmaan C/shakuur saxiixayay heshiiskii lagu iibsaday badda, aad ayuuna isaga fogeeyay isagoo mas’uuliyadda dusha uga tuuray Cumar C/rashiid, laakin Cumar ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu arrintaasi ku beeninayo wuxuuna caddeeyay in Shariifku uu ogaa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.