Howlgallo Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Muqdisho Iyo Nawaaxigeeda.

Saacadihii lasoo dhaafay ee maanta waxaa magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ka dhacay laba howlgal oo si yaabo kala duwan loogu qaarijiyay askar ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Howlgalka koowaad ayaa wuxuu maanta ka dhacay degmada Howlwadaag gaar ahaan agagaarka Isgooyska Bakaaraha waxaana lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada DF.

Howlgalka labaad ayaa isna goordhow ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku dileen askari ka tirsan ciidamada millatariga ee DF, kaas oo magaciisa lagu soo gaabiyay Uuseey.

Dilalkaan qorsheysan ayaa ku soo aadaya xili barqanimadii maanta qarax xooggan oo ka dhacay xaafadda Carafaat ee magaalada Muqdisho lagu burbuiyay gaari dagaal oo ay la socdeen askar ka tirsan DF.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.