ICJ oo Kenya U Xukuntay Qeyb Kamid Ah Badda Soomaaliya.

Maanta oo Talaado ahayd ayay maxkamadda ICJ, go’aan rasmi ah ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee udhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya. Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa sheegay iney waxba kama jiraan tahay dacwadda Kenya ee ah in ay iyadu leedahay xariiqda xuduudda dhanka biyaha ah ee labada dal udhaxaysa, waxaana ay maxkamaddu tibaaxday in uusan jirin wax heshiis xuduud badeed ah oo horey u kala saxiixdeen labada wadan.

Iyadoo ay sidaasi sheegtay maxkamaddu, haddana sida ka muuqata khariirad cusub oo soo baxday waxay ICJ sameysay xaqiir cusub oo u dhaxayn doona Soomaaliya iyo Kenya, kan uu dhul badan siinaya Kenya sida ay ku warameen khubarada badaha. Dad badan oo Soomaali ah ayaa lagu khalday cinwaanka kore ee warbixinta, iyadoo Soomaaliya laga ansixiyay dhul badeed muhiim ah oo keeni kara in Kenya ay soo sheegato dhulka baddaas ku aadan, haddii arrintan laga aamuso ama lagu qanco.

Dhul badeedka Soomaaliya ee ay Kenya muranka galisay ayaa gaarayay 100,000KM (noqol kun oo kiilo mitir) oo isku weer ah, waxaana xaajadu u dhacday sidii ay rabtay. Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay shaacineysay hadallo lagu khaldayay dadka Soomaalida ah iyadoo ku celcelineysay in aysan maxkamadda ICJ ku kalsoonayn.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay horey u sheegeen ineysan marnaba aqbali doonin go’aan walba oo kasoo baxa maxkamadda ICJ oo ku aadan badda Soomaaliya, waxaana muuqatay in XSHM ay fahansanayd halka hawsha loo wado.

Isku soo wada duuboo Kenya ayaa aad ugu xusul duubeysa iney boobto dhul hor leh oo dhanka xuduud beenaadka ah iyadoo silig soo galisay qeybo kamid ah degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.