In Ka Badan 40 Ruux Oo Ku Dhimatay Dab Ka Kacay Dalka Taiwan.

Warbaahinta maxallaiga ah ayaa soo tabisay in maanta oo khamiis ah ugu yaraan 46 ruux ku dhimteen dab xooggan oo kacay dhisme dhowr dabaq ka kooban oo ku yaalla waddanka Taiwan.

Dabka ayaa waxa uu ka kacay dhismahaan oo ka kooban 13 dabaq oo ku yaalla magaalada Kaohsiung ee waddanka Taiwan, isagoona dhisanaa muddo 40 sano ah.

Wargeyska Apple Daily ayaa sheegay in waqtigii ugu horreeyay ee uu dabku kacay la helay 12 ruux oo isugu jiray kuwa dhintay iyo qaar garaab ah, iyadoona markii la geeyay isbitaalka la xaqiijiyay in dhamaantood ay dhinteen.

Marka laga yimaado dadka dhintay waxay Wakaaladda Wararka ee xukuumadda Taiwan oo soo xiganaysa bayaan ay soo saartay waaxda dab -damiska sheegtay in guud ahaan 52 qof oo da’doodu u dhaxayso 8 ilaa 83 ay ku dhaawacmeen dabka.

Waaxda dab -damiska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dabaqyada sare ee dhismaha ay deggen yihiin illaa 120 qoys, halka dabaqyada hoose ay yihiin kuwa aan la daganeyn.

Waaxdu waxay sheegtay in dabka la bakhtiiyey in ka badan afar saacadood kadib, iyadoona goobta loo diray 145 ruux oo wata illaa 72 gawaarida dab damiska ah, kuwaas oo ka qeyb qaatay daminta dabka.

Haweenayda madaxweynaha ka ah dalka Taiwan ayaa masuuliyiinta ku amartay inay sii wadaan howlaha samata bixinta, ayna gacan ka geystaan dib u dajinta dadkii ay dhibaatadu gaartay, iyo inay baaritaan dhamaystiran ku sameeyaan sababta ka dambeysa dabkaan.
Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.