Inkabadan 20 Askari Kenyaati ah oo ku dhintay Qaraxyo Lala beegsaday.

Gaari ciidamada Kenya leeyihiin oo ku gubanaya gudaha dhulka Kenya

Wararka ka imaanaya dhulka Laamu ee ay xooga ku heysato dowladda Kenya, ayna leeyihiin muslimiinta ayaa tilmaamaya in qarax culus lala eegtay ciidamo Kenyaati ah.

Ciidamada Kenyaatiga ee qaraxa lagu weeraray waxay hor socdeen kolonyo ciidamo Kenyaati ah, si ay uga ilaaliyaan qaraxyada iyo kamaa’innada, waxaana gaaray khasaare culus.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Kayunga iyo Sunkaara, waxaana ku dhintay 15 askari oo Kenyaati ah.

Sidoo kale qarax ka dhacay deegaanka Kambooni ee gobolka Jubbada Hoose, kaasoo lala eegtay ciidamo Kenyaati ah waxaa ku naf waayay 8 askari oo Kenyaati ah.

Halkan ka dhagayso Faafahain-qaraxyo-iyo-howlgallo-kale

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.