Kamiin Askar Shisheeye iyo Soomaali lagu dilay oo ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin ah u dhigay ciidamo katirsan kuwa Shisheeyaha iyo askarta Dowladda federaalka oo marayay nawaaxiga Jannaale.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa uu dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.

Askari Ugaandhees ah iyo 2 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa lagu dilay weerarka kamiinka ah, sida ay tilmaameyso xogta rasmiga ah ee aan heleyno.

Shabeellaha Hoose waxaa uu kamid yahay goobaha sida joogtada ah loogu beegsado ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.