Ku Dhawaad 10 Askari oo Puntland Looga Dilay Af-urur.

 

Ciidamo ka tirsan milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee Buuraha Golis ayaa saaka weeraro kula jarmaaday askar ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo ku socdaalayay meel u dhow saldhigga ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur oo hoos taga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Weerarka Mujaahidiinta oo isugu jiray qarax iyo dhabbagal ayaa sababay khasaare culus oo gaaray ciidanka Puntland. Inta la xaqiijiyay waxaa laga dilay 8 askari qaar kale-na waa laga dhaawacay.

Intaa waxa dheer in laga gubay 1 gaaro oo noociisu yahay Cabdibile, lagana furtay qoryo boobayaal ah oo ay kamid yihiin laba PKM ah.

Sidoo kale warbaahinta maxalliga ah ee ka hawl gasha magaalada Boosaaso ayaa sheegay in madaafiic ay kusoo hoobteen saldhigga ciidanka Puntland ee degaanka Afurur, waxayna sheegeen ineysan u suura galin iney wareystaan saraakiisha saldhigga.

Wararku waxay intaa ku darayaan in qaar kamida h ciidamadii dhaawacmay ee Puntland loola cararay magaalada Boosaaso si xaaladooda loola tacaalo.

Weerarkan waxa uu yimid xilli ciidanka Puntland ay wajahayaan daryeel la’aan iyo mushaaraadkooda oo aan joogto ahayn kadib markii xukuumaddu ku mashquushay wax doorashooyin u eg oo dhaqaale badan lagu bixinayo.

Ciidamada XSHM ee buuraha Golis ayaa marar badan oo hore weerar ku qaaday xerada Afurur iyadoo muuqaal ay soo saartay Al-kataa’ib lagu soo bandhigay mid kamid ah dagaaladaas oo askar badan looga laayay Puntland islamarkaana gacmaha laga soo buuxsaday wxii goobta yiil.

Af Urur Waa degaan soo koraya oo kaabiga ku haya Buuraha Golis waana deegaan aad u balaaran oo ay ciidanka Puntland ku leeyihiin saldhig ay ku sheegeen inuu difaac ka yahay weerarada ciidamada Mujaahidiinta ee Buuraha Golis.

Ciidamada Puntland ayaa saldhigga Afurur u heysta inuu yahay midka ugu adag, halka ciidamada Mujaahidiinta uu uga dhigan yahay mid ay sey doonaan u weeraraan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.