Mareykanka oo Faragalin Milatari Ugu Goodiyay Itoobiya Iyo Xaaladihii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalada (Warbixin)
Mareykanka ayaa qarka u saaran inuu fara galin milatari ku sameeyo dagaalka ka socda Itoobiya kadib markii Jo Beydan uu mujiyay inuusan u dul qaadan karin iney maalin walba dhintaan dad badan oo Kiristan ah.
Dalka Itoobiya oo ay wali ka holcayaal dagaalada u dhaxeeya huwanta wada socota ee ay dowladdu hormuudka u tahay iyo TPL, ayaa waaa jirta in Mareykanku uu ku hanjabay fara galin milatari oo ka dhan ah xukuumadda uu hogaamiyo Abiy Axmad.
Kadib markii nidaamka Adis-ababa uu ku dhawaaqay inuu eryay 7 sarkaal oo ka tirsan Qaramada Midoobay islamarkaana uu uga shakiyay iney jaasuusayaan oo warbixinno ka gudbinayaan ayaa waxay qeylo dhaan wada socota kasoo yeertay Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.
Warsaxaafadeedyo kasoo baxay xafiisyada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa waxaa si wada jir ah loogu cambaareeyay tallaabadaas iyadoo luqad adag lagu dhaliilay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya.
Sidoo kale, madaxweynaha Mareykanka, ninka lagu magacaabo Joe Biden ayaa si cad ugu hanjabay dowladda Itoobiya, wuxuuna sheegay inuu awood u adeegsanayo sidii loo joojin lahaa tallaabooyinka ay Itoobiya ku dhaqaaqday oo ku tilmaamay kuwa gurracan.
Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay sida tan “ Dowladda Mareykanku waxay si adag u cambaareeneysaa tallaabooyinka aan horey loo arag ee ay dowladda Itoobiya ku erisay hogaanka ururada Qaramada Mudoobay ee ku hawlan arrimaha bani’aadannimada ee ka taagan dalka Itoobiya”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inuu hogaamiyaasha Qaramada Midoobay ku raacsan yahay cambaareynta ka dhanka ah Itoobiya iyo sida adag ee ay uga hadleen tallaabada ay qaadeen, wuxuuna yiri “ tanina waxay sumcad daaro ku tahay damiirkeena waana in ay Itoobiya joojisaa”
Bayaanka waxaa lagu sheegay in ficillada ka dhacaya Itoobiya ay daba socdaan warar horey loo baahiyay oo ka digayay in boqollaal kun oo qof oo Itoobiyaan ah ay gaajo ugu geeriyoodaan waqooyiga dalka Itoobiya.
Joe Beden ayaa Itoobiya aad ugu eedeeyey iney hor joogsatay raashin loo waday dad lagu sheegay iney gaajo u baqtinayeen oo uu ula jeedo qowmiyadda Tigre oo ay reer galbeedku aad u jecel yihiin islamarkaana doonayaan iney mar kale wadanka xukunto, maadaama mudadii ay talada dalka hayeen ay madaxa uga istaageen muslimiinta tirada badan.
“Waxaan ugu baaqeynaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo xubnaha beesha caalamka iney qaadaan tallaabo degdeg ah oo ay ku dalbanayaan In itoobiya ay joojiso carqaladeynta gargaarka Bani’aadannimada iyo sida khaldan ee ay muwaadiniinteeda u adeegsanayso si ay suura gal u noqoto iney sii noolaadaan dadkaas, tallaabada ay ku hor istaageyso sii noolaanshaha dadka itoobiyaanka ah ma ahan mid la aqbalo karo” sidaasi waxaa yiri’ madaxweynaha Mareykanka.
Xukuumadda Washinton, waxay horey madaxda iyo saraakiisha Itoobiya ugu goodisay iney saareyso cunaqabateyn dhaqaale, mana muuqan wax saameyn ah oo ay yeelatay hanjabaadeedii, waana midda keentay in haatan uu dagaal ku goodiyo madaxweynaha dalkaas.
Bayaanka kasoo baxay guriga rinjiga cad la mariyay ee Mareykanka ayaa waxaa lagu yiri: “kama laba-labeyn doonno inaan adeegsanno qalab kasta oo aan awoodno noocuu doono ha ahaado’e, ha noqoto si aan degdeg uga jawaabno kuwa hor joogsanaya gargaarka, tallaabada Mareykanka ma ahan mid ciyaar ah ee waa mid ay ka shalLaayi doonaan kuwa diidan iney noolaadaan boqolaal kun oo itoobiyaan ah” ayuu lagu soo gunaanaday bayaanka Madaxweynaha Mareykanka, oo u muuqda mid lagu diidan yahay iney isku baaba’aan dadka Kiristanka ah, iyo iney fursad helaan qowmiyadaha muslimiinta ah ee gumeysiga lagu hayay mudada dheer.
Mareykanka wuxuu duullaan wanaagsan u arkaa kan ay Soomaaliya kusoo qaadeen isaga iyo shisheeyaha kale ee ay qeybta ka yihiin ciidamada Itoobiya, wax dhib lehna uma arko dadka maatida ah ee sannad walba lagu xasuuqo gayigan, maxaa yeelay waa muslimiin.
Dhanka kale, markaan eegno aagaggii ay dagaaladi ka socdeen ee gobolka Amxaarada, lama soo sheegin dagaallo sidaa u waaweyn oo dhacay 48-dii saac ee lasoo dhaafay marka laga yimaado meelaha qaar oo saaco kooban la isku food saaray.
Arrintan cusub ayaase ah in ay sii lumeyso kalsoonida ka dhaxaysa ciidamada Huwanta ah ee wada socda oo isugu jira kuwa dowladda Itoobiya, kuwa Eratariya, malleyshiyada Amxaarada, iyokuwa uruuriska ah ee baadiyaha laga keenay oo dhammaantood hal saf ka wada dagaalamaya.
Qolo kasta markey culeys kala kulanto TPLF, dib ayay usoo guranaysaa, taasina waxay walwal badan galisay qowmiyadda Amxaarada oo dhul badan sidaa looga qabsaday meelo kalana lagu siqayo. Hadda ciidanka Amxaaradu waxay billaabeen in ay iyaga ka dagaalamaan aagagga istaraatiijiga ah ee TPLF, u sahli kara iney si fudud usoo tallaabsato kuna qabsato dhul hor leh.
Muuqaallo ay baahiyeen saxafiyiinta Amxaarada ayaa muujinayay ciidamo tobannaan kun Amxaaro ah oo laga badalay dharkii ay wateen, gaadiidkoodiina lagu xerxeray geedo caleemo badan leh si aysan ishu u qaban. Sidoo kale waxaa la yaab leh in ciidamada tirada badan ee Amxaarada lagu soo xer-xeray geedo caleemo badan leh loona diiday iney socdaan, taa badalkeedana ay garguuranayaan oo kaliya.
TPLF, waxay dhankeeda sheegtay iney sii wadi doonto dagaalada ka dhanka ah dowladda Itoobiya illaa ay haweenkoodu ku mashraxadaan magaalada Adis-ababa oo ah caasimadda Itoobiya.
Geesta kale, waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Adis-ababa gilgilay malaayiin qof oo Oromo ah oo dhiganaya caado dhaqameed sannadle ah iyadoo dadku ay iska soconayaan wadooyinka, korna u qeylinaya.
Dadka Oromada ah ee isku soo baxay ayaa waxay fursad u heleen iney awoodooda soo bandhigaan islamarkaana fagaarayaasha ka dalbadaan in loo sii daayo siyaasiyiin kuwooda ah oo si gardarro ah lagu xiray.
Dowladda Itoobiya oo ka taxadareysan isku soo baxayaasha ayaa ciidan badan waxay dhigtay xarumaheeda gaarka ah iyo suuqyada, waxaana la arkayaan gaadiid gaashaaman oo hor yaalla dhismayaasha wasaaradaha iyo madaxtooyada.
Soomaali aan badneyn oo ku nool magaalada Adis-ababa ayaan muddo todobaad ah fursad badan u helin iney suuqyada kasoo adeegtaan, gaar ahaan waxaa ciriiri dareemaya Soomaalida ku nool daaraha Boley iyo halka la yiraahdo Adisafar.