Maxaabiista Filastiiniyiinta Oo billaabay Soon furan, Dhibaatada ay La kulmayeen Awgeed.

Wararka ka imaanaya dhulka ay xooga ku heystaan maamulka Yahuudda ayaa ku waramaya in maxaabiis boqollaal gaaraya ay go’aansadeen iney cuntada ka soomaan, sababo ku aadan tacdiga iyo gabood fallada sii laba lixaadsaday ee ay kala kulmayaan maamulka Yahuudda.

Maxaabiistan oo gaaraya 400 oo maxbuus ayaa ku dhawaaqay iney ka soomayaan cuntada iyo cabitaanka, waxaana tallaabadan ay ku tilmaameen iney tahay mid furan oo aan wax waqti ah ku xirneyn, iyagoona tilmaamay iney kaga soo hojreedaan tacadiga iyo gabood fallada xanuunka badan ee ay kala kulmayaan ciidamada maamulka Yahuudda.

Guud ahaan maxaabiista ku xiran xabsiyada maamulka Yahuudda ayaa isla qaatay go’aan ah in laga dhega adeego awaamiirta maamulka xabsiyada ee Yahuudda, waxaana arinkaas laga dareemey guud ahaan xabsiyada ku yaala dhulka Filastiin.

Guddi ay ku mideysanyihiin maxaabiista ayaa soo saaray war kama dambeys ah oo la xiriira go’aanka ay qaateen maxaabiista, iyagoona sheegay iney tahay waxa ugu yar ee ay awoodaan iney cuntada iyo biyaha ka soomaan, sidoo kalena ka dhega adeegaan awaamiirta maamulka Xabsiyada Yahuudda.

Waxay kusoo aaday arintan, xilli dhawaan ciidamada maamulka Yahuudda ay gacanta ku dhigeen 4 maxbuus oo kasoo baxsaday mid kamid ah xabsiyada maamulka Yahuudda, kadib god ay in muda ah qodayeen, waxaana markii uu dhacay howlgalkaas kadib ciidamada Yahuuddu billaabeen iney xadgudub dheeri ah kula kacaan maxaabiista muslimiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.