Maxaad kala socotaa Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Guriceel. (Dhagayso)
Dagaallo xoogan ayaa maalintii labaad waxay ka soconayaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku dagaallamayaan ciidamada Suufiyada iyo kuwa maamulka Galmudug.
Taliyihii ciidamada Danab ee gobollada dhexe Cabdi Ladhiif Feyfle ayaa ku dhintay dagaallada ka dhacay magaalada Guriceel.
Halkan ka dhagayso faafaahin ku aadan xaaladda Guriceel iyo khasaaraha ka dhashey dagaallada.