Qarax culus oo khasaare dhaliyay Oo ka dhacay Baladweyn.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wararka ka imaanaya waxay sheegyaaan in halkaas uu ka dhacay qarax aad u culus oo dhaliyay khasaare ba’an.

Qaraxa waxa uu si gaar ah kaga dhacay saldhiga booliiska magaalada Baladweyne, waxaana uu dhacay xilli ay ku sugnaayeen xubno muhiim ah oo katirsan maamulka.

Gudoomiyihii hore ee deegaanka Feerfeer Soomaaliya ninka lagu magacaabo Khaliif Muumin Garaad ayaa kamid ah dadka ku dhintay qaraxa oo gallaaftay noloosha saraakiil iyo askar katirsan maamulka Hir Shabeelle.

Waxaa sidoo kale saraakiisha ku dhaawacantay kamid ah taliyihii saldhiga booliiska Baladweyne laba xidigle Maxamed Maxmuud Qoorshe, gudoomiyaha degmada Feerfeer Soomaaliya Mahad Maxamed Xasan iyo saraakiil iyo askar kale.

Dadka magaalada Baladweyne ayaa qarixii maanta waxay ku tilmaameen inuu ahaa qarax aad u xoogan oo noociisa mardhow aan ka dhicin magaalada Baladweyne.
Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.