Qarax iyo Weerar ka dhacay Saldhigyo ku yaala Shabeellaha Hoose.

Habeennimadii xalay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar iyo qarax ka fuliyeen qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerar toos ah ayaa lagu ekeeyay saldhiga ciidamada Dowladda federaalka ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale qarax xoogan ayaa gudaha degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa lagula beegsaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka oo roondo ku jiray.
Ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa ku dhintay qaraxa, kaasoo jugtiisa laga maqlay xaafado katirsan Jannaale.
Halkan ka dhagayso Weeraro kala duwan oo ka dhacay Shabeellaha Hoose