Qarax Khasaare dhaliyay Oo ka dhacay Magaalada Dimishiq ee Suuriya.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya ayaa tilmaamaya in qarax xoogan uu ka dhacay bartamaha magaalada, kaasoo lala eegtay gawaari bas ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan Nuseyriyada Bashaar Al-Asad.

Jugta qaraxyda oo labo ahaa ayaa la tilmaamay iney ahayd mid xoogan, islamarkaana waqti isku mid ah lala beegsaday gawaaridan ay saarnaayeen ciidamada Nuseyriyada oo marayay buundada weyn ee bartamaha magaalada Dimishiq.

Wakaaladda wararka u faafisa Nidaamka Nuseyriyada ayaa war ay daabacday waxay ku sheegtay in qaraxyada ay ku dhinteen 13 askari, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Saraakiisha Nuseyriyada Bashaar Al-Asad waxay sheegteen iney furfureen miino saddexaad oo u diyaarsaneyd iney qaraxdo.

Illaa iyo hadda majirto cid sheegata masuuliyadda weerarka, waxaana Nidaamka Nuseyriyada uu ku tilmaamay qaraxyadan iney yihiin kuwa argagaxiso.

Bilooyin kahor ayay ahayd markii sidan oo kale qarax weyn uu bartamaha magaalada Dimishiq ku qabsaday gaari bas ah oo ay saarnaayeen saraakiil katirsan ilaalada madaxtooyada Nuseyriyada, waxaana halkaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday kudhawaad 30 sarkaal, weerarkaasna waxaa masuuliyadiisa sheegtay jamaacada Xurraasu-diin oo kamid ah jamaacaadka jihaadiga ah ee ka howlgala dalka Suuriya.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.