Qarax Khasaare Geestay Oo ka Dhacay Duleedka Degmada Afgooye.
Guutada qaraxyada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta qarax kula beegsatay askar katirsan ciidamada DF deegaan dhaca duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh/Hoose.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa wuxuu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Doonka oo hoostaga degmada Afgooye waxaana lala beegsaday gaari Cabdibile ah oo ay la socdeen saraakiil iyo askar katirsan dowladda Federalka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in qaraxan oo ahaa mid culus ay dhaawac garraab ah ku noqdeen taliye ku xigeenka guutada 7-aad ee ciidamada DF iyo 3 askari oo kale.
weerarkaan qaraxa oo adeegsaday ayaa ku soo aadayaa xili shalay weerar dhabagal ah oo ka dhacay duleedka degmada Owdheegle lagu dilay 3 askari oo mid kamid ah uu yahay taliyaha guutada 3aad ee ciidamada Gorgor Xasan Diiriye isla markaana lagu dhaawacay hal askari oo kale .