Qarax xoogan oo khasaare dhaliyay Oo ka dhacay dalka Uganda.
Wararka ka imaanaya dalka Uganda waxay ku waramayaan in qarax xoogan uu ka dhacay magaalo dhacda wuqooyiga caasimadda wadankaas ee Kampla.
Warbaahinta dalka Uganda ayaa daabacday in qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan, jugtiisana laga maqlay goobo ka baxsan halka uu ka dhacay uu si gaar ah kaga dhacay magaalada Komamboga ee dhanka wuqooyi ka xigta magaalada Kampla ee caasimadda dalka Uganda.
Sida ay xogtu tilmaameyso, wuxuu qaraxa si gaar ah kaga dhacay baar lagu caweeyo oo lagu magacaabo Digida Pork oo ku taalla laamiga Waliggo ee magalada Komamboga.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashey qaraxa, warbaahinta qaar waxay tilmaameysaa iney ku dhinteen ugu yaraan 3 ruux halka ay ku dhaawacmeen 7 kale, inkastoo ay jiraan warar kale oo tilmaamaya in dhimashadu ay mareyso 2 ruux.
Ciidamada booliiska Uganda ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana ay isku geedaameen baarka, halkaas oo ay goor dambe soo gaareen ciidamada u tababaran la tacaamulka qaraxyada ee dalka Uganda.
Madaxweynaha dalka Uganda Yuwer Museveni oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitterka ayuu ku sheegay in qaraxan u muuqdo mid argagaxiso, sida uu hadalka u dhigay, ayna socdaan baaritaanno xoogan.
Booliiska Uganda wuxuu dhankiisa sheegay in qaraxa uu yahay mid argagaxiso, balse waxay ka gaabsadeen in jiho gooni ah ay ku eedayaan masuuliyadda qaraxa oo aaney jirin cid sheegatay.
Uganda waxay kamid tahay wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana ciidankeeda ay halkan ka geysteen welina ka geysanayaan gabood fallo iyo tacadiyaad xanuun leh oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.