Ra’iisul Wasaarihii Suudaan iyo Qaar kamid ah Golihiisa Oo Xabsi La dhigay.
Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa ku waramaya in xaalad hubanti la’aan ah ay ka taagantahay dalkaas, kadib markii aroornimadii hore ee saaka lagu waabariistay iyadoo ciidamo katirsan milliteriga ay howlgallo raaf ah ka wadaan qeybo kamid ah magaalada caasimadda ah ee Al-Khardhuum.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ee dalka Suudaan ayaa lagu sheegay in ciidamo katirsan milltieriga ay gudaha u galeen guriga uu deganyahay ra’iisul wasaaraha xukuumadda wadankaas Cabdalla Xamdook, iyagoona ku amray inuu soo saaro bayaan uu ku taageerayo tallaabada ay qaadeen ciidamada milliteriga.
Cabdalla Xamdook ayaa laga kaxeeyay gurigiisa, waxaana hadda lagu hayaa goob aan la shaacin, iyadoona wasaaraddu sheegtay inuu ugu baaqey dadka reer Suudaan iney ka hor yimaadaan tallaabooyinka afgembi ee ay qaadayaan milliteriga Suudaan.
Inta badan xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda Suudaan ayaa xabsiga la dhigay, waxaana kamid ah wasiirka warshadaha Ibraahim Ash-Sheykh, wasiirka Warfaafinta Xamza Baluul, wasiirka Isgaarsiinta Haashim Xasabu Rasuul iyo gudoomiyaha magaalada Al-Khardhuum ninka lagu magacaabo Ayman Namar.
Dhamaan raggan gacanta lagu dhigay waxaa laga soo qabatay guryahooda, illaa iyo hadana lama oga halka lagu hayo, iyadoona loo badinayo iney la kulmayaan cadaadisyo xoogan oo lagu doonayo iney ku taageeraan tallaabada afgembiga u muuqata ee ay qaadayaan ciidamada milliteriga.
Magaalooyinka qaar ee wadanka Suudaan ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne careysan, kuwaasoo xiray wadooyinka qaar, si ay uga hortagaan in ciidamada milliteriga ay qaadaan tallaabooyin horleh oo ay ku xirxirayaan masuuliyiin katirsan dowladda Suudaan.
Waxay dadku sidoo kale sugayaan bayaan kasoo baxa golaha sare ee milliteriga Suudaan, kaasoo looga hadli doono waxay milliterigu kaga gol leeyihiin tallaabooyinka ay qaadeen.
Waxay kusoo aadeysaa arintan xilli maalmihii lasoo dhaafay banaanbaxyo isdiidan ka socdeen wadanka Suudaan, kuwaasoo ay dhigayaan dadweyne kala taageersan garabyada xukuumadda Suudaan ee aan taagta iyo tabarta toona lahayn.