Roobab Dabeylo wata oo ka da’ay qeybo kamid ah Caalamka.

 

Roobab dabeylo wata ayaa ku dhuftay qeybo kamdi ah wadamada caalamka, kuwaasoo geystay waxyeello kala duwan oo isuga jirta dhimasho iyo burbur hantiyadeed.

Dabeylahan oo loogu magacdaray Shaahiin ayaa meelaha ay sida ba’an ugu dhufteen waxaa kamid ah wadanka Cummaan ee khaliijka carabta, halkaas oo uu ka geystay khasaare isuga jira dhimasho iyo burbur hantiyadeed.

Xarun qaabilsan sahdaalinta cimillada oo ku taalla dalka Cummaan ayaa sheegtay in hadda ay muuqato iney yaraadeen roobabka dabeylaha watey, isalmamarkaana la filayo in laga soo kabsado dhibaatooyinka dadka gaaray.

Gobollada dhaca wuqooyiga dalka Cummaan ayaa ah goobaha ugu badan ee ay dabeylahan ku dhufteen, halkaas oo lasoo wariyay in guryo dhowr ah biyaha ka hoos mareen, kadib roobab dabeylo wata oo halkaas ka da’ay.

Ugu yaraan 5 ruux ayaa lasoo wariyay iney ku dhinteen dalka Cummaan, kuwaasoo 2 kamid ah ay caruur ahaayeen, kuwaasoo ku qarqoomey biyaha roobka, waxaa sidoo kale dadka dhintay 2 kamid ah ahaayeen shaqaale kasoo jeeda qaaradda Asia oo deganaa dalka Cummaan.

Iiraan ayaa sidoo kale kamid ah wadamada uu saameeyay dabeyshan iyo duufaantan loogu magacdaray Shaahiin, waxaana lasoo warinayaa in tiro dad ah ku dhinteen.

Wadamada Imaaraatka Carabta iyo Sucuudiga ayaa iyaguna ka cabsi qaba iney soo gaaraan roobabkan dabeylaah wata ee ku dhuftay qeybo kamid ah caalamka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.