Dhageyso Salaadiinta Jubbooyinka oo Ka Hadlay Kiiska Badda.

Qaar kamid ah salaadiinta Soomaaliyeed ee qabaa’ilka Jubbooyinka ayaa ka hadlay kiiska badda ee hor yaalla maxkadda ICJ.

Kiiskan oo sida la iclaamiyay ay maxkamaddu go’aan kasoo saari doonto 12 bishan October, ahna kiis la abuuray oo micnihiisu yahay (ku qabso ku qadi meyside) ayay odayaashu ku tilmaameen mid lagu marin habaabinayo Soomaalida.

Waxay is weydiiyeen sababta looga hadli la’yahay bariga ama dhulka ay inaga heysato Kenya oo Jubbooyinku kamid yihiin oo dhanka kale-na kiis looga dhigayo qadiyadda badda oo kaliya.

Salaadiinta beelaha Jareerweyne, Mareexaan, Wardoy iyo Dir waxay si wadajir ah Soomaalida ugu baaqeen ineysan wax cadaalad ah ka sugin maxkamad shisheeye balse ay cadaaladda gacmahooda ku baadi goobtaan.

Halkan Ka Degso Salaadiinta Jubbooyinka

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.