Shakhsiyaad ku howlanaa fulinta weeraro ka dhaca Faransiiska ayaa lagu qabtay dalkaas.

Ciidamada ammaanka ee dalka Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay ugu yaraan 4 ruux oo lagu eedayay iney qorsheynayaan fulinta silsilado howlgallo ah oo ka dhaca gudaha dalka Faransiiska.

Dadkan gacanta lagu dhigay waxaa la sheegay iney taabacsanyihiin axsaabta midigta fog ee xagjirka ah, aadna uga soo horjeeda siyaasadaha madaxda wadamada reer galbeedka.

Sida uu sheegay garsoomaha maxkamad qaabilsan arimaha waxa loogu yeero argagaxisada, waxay ragan qorsheeyeen iney weeraro dhiig badan ku daata ku qaadaan xarumo ay kamid tahay goobaha lagu bixiyo tallaalka cudurka Coronavirus, hotello ay xaflado waaweyn ka dhacaan iyo sidoo kale iney si gaar ah u beegsadaan shakhsiyaad ay wariyaal kamid yihiin.

Warbaahinta qaar waxay tilmaamayaan in 2 ruux oo kamid ah shakhsiyaadkan gacanta lagu dhigay ay horey uga tirsanaayeen ciidamada dalka Faransiiska, taasoo ka dhigan iney aqoon wanaagsan u leeyihiin arimaha hubka iyo adeegsiisaba.

Waxaa sidoo kale lagu eedeyye afartan ruux iney afduubteen gabar 8 sano jir ah taasoo la afduubtay bishii April ee sanadkan.

Faransiiska ayaa wajahaya mowjado culeesyo gudaha iyo dibadda ah, waxaana madaxweynaha qar iska xoornimada ku caan baxay ee Macron uu maalinba maalinta xigta lugaha lasii galayaa dhibaato horleh.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.