Shiishyahannada Ciidamada Al-Shabaab Oo Si Cajiib ah u dilay Askari Kenyaati ah.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee qeybta ka ah milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, islamarkaana ku qalabeysan hubka casriga ah ee wax lagu shiisho ayaa howlgal gaar ah waxay ku dileen askari Kenyaati ah oo katirsan KDF.
Howlgalkan oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Shangaani oo dhaca sohdin beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo dhulka ay Kenya xooga ku heysato ayaa waxaa lagu dilay askari Kenyaati ah, xilli uu ilaalo ka hayay saldhig ay halkaas ku leeyihiin ciidamada Kenya.
Rasaas kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa ayaa sababtay in durba uu goobta ku quur baxo askariga Kenyaatiga ah, oo xilligaas aan dareemeynin shanqarta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo u tababaran iney ku dagaallamaan duruufaha noocaas ah.
Dhanka kale, deegaanka Baarka ee duleedka magaalada Kismaayo waxaa lagu weeraray ciidamada maamulka Jubbaland.
Shabeellaha Hoose, degmada Lafoole oo u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye waxay xalay ciidamada Mujaahidiinta ku weerareen askarta Dowladda federaalka ee ku sugan halkaas.
Muqdisho, ciidamada qarsoon ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay degmada Hodan ku dileen sarkaal lagu magacaabo Cabdi Kuus, goobta ayayna si nabad ah uga dhaqaaqeen.