Shirkadda Facebook Oo Khasaartay Balaayiin doollar kadib Cillad Soo Wajahday.

 

Dadka ku dhaqan caalamka, islamarkaana isticmaalaha baraha Internetka waxay maalintii shalay ku baraarugeen inaanu shaqeynin barnaamijka aadka loo isticmaalo ee Facebook-ga, kadib cillad adag oo soo wajahday.

8 Saacadood oo xiriir ah ayay hawada ka maqneyd shirkadda Facebook-ga, dadkuna waayeen adeegyadii ay ka isticmaali jireen shirkadda oo ay kamid tahay messneger-ka Facebook-ga iyo webkeeda caadiga ah.

Waxaa sidoo kale gebi ahaanba hawada ka baxay application-nnada Whatsapp-ka iyo Instegram-ka oo ah barnaamijyo ay leedahay shirkadda Facebook-ga.

Bayaan kasoo baxay shirkadda Facebook-ga waxay ku sheegtay iney soo wajahday cillad ku baahday serverrada waaweyn ee ay adeegsato, dadkuna awoodi waayeen iney adeegsadaan barnaamijyadeeda, hadana ay hawada kusoo noqotay, balse ay weli la daala dheceyso cillad bixinta culeesyada taagan.

Adduun lacageed oo ku fadhiya 7 bilayn oo dollar ayay shirkadda Facebook-ga khasaartay sideedii saac ee ay hawada ka maqneyd, sida ay sheegeen warbaahinta ka faalloota dhaqaalaha iyo arimaha Internetka.

Waxaa sidoo kale hoos u dhacay sahmiyadii shirkadda Facebook-ga nisbo dhan 5% sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Newyork Times.

Cilladan adag oo ahayd tii ugu dheereyd ee soo wajahda shirkadda Facebook-ga waxaa aad uga faa’ideystay baraha Twitterka iyo Telegramka, kuwaasoo u arkayay cilladan soo wajahday shirkadda mid iyaga dan u ah.

Telegram ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay iney ku faraxsantahay iney soo dhaweyso malaayiin ruux oo saacado gudahood kusoo biiray barta Telegramka, kuwaasoo sida muuqata soo miciin biday bartan ay leedahay dowladda Ruushka.

Facebook-ga ayaa lagu tiriyaa baraha ugu caansan ee xagga Social media-ha ee Internetka, waxaana isticmaala dadyow aad u farabadan, kuwaasoo qofba danta uu leeyahay uu ka isticmaalo, waxaana dadka isticmaala kamid ah warbaahinnada, shirkadaha ganacsiga, xarumaha waxbarashada, Siyaasiyiinta, Weriyaasha iyo xitaa dadka caadiga ah.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.