Taliyihii Nabadsugdida Deyniile iyo Askar kale oo ku dhintay Kamiin ka dhacay duleedka Muqdisho.

Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ku waramaya in weerar kamiin ah oo ka dhacay duleedka magaalada lagu dilay saraakiil iyo askar badan, halka lagu dahawacay tiro kale.

Kamiinka waxaa loo dhigay kolonyo gawaari ah oo ay saarnaayeen ciidamada iyo saraakiisha, kuwaasoo howlgallo ka waday duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ugu yaraan 12 askari oo midi uu yahay taliyihii ciidamada BS-ta ee degmada Deyniile ninka lagu magacaabo Farxaan Nuur Raage (Farxaan Silent ) ayaa ku naf waayay kamiinkan culus ee maanta ka dhacay duleedka Muqdisho.

Tirada ku dhaawacantay kamiinka waa 13 askari oo midi uu yahay sarkaal katirsan ciidamada Duufaan oo lagu magacaabo Saalax, kaasoo uu soo gaaray dhaawac halis ah.

Kamiinka waxaa lagu gubay gaari nooca dagaalka ah oo ay wateen saraakiisha iyo ciidamada kamiinka lagu beegsaday.

Kamiinkan ayaa kusoo aaday, iyadoo dhawaanahan ciidamadan ay dhaq-dhaqaaqyo milliteri ka wadeen duleedka magaalada caasimadda ha ee Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.