Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka UK Oo Si Layaab Leh Loogu Dilay Gudaha Dalkaas.

Xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa u dhintay daawac maanta jimco ah loogu geystay gudaha Kaniisad ku taalla deegaanka laga soo doorto ee Leigh-on-Sea oo dhaca koonfur_bari dalkaas.

Xildhibaankan oo lagu magacaabi jiray David Amess ayaa waxaa weeray nin mindi ku hubeysan oo dhowr goor ka galiyay saableeyda taas oo sababtay inuu ugeeriyoodo, sida ay baahisay warbaahinta waddankaas.

Booliska dalka Ingiriiska  ayaa waxay tilmaameen inay si dhaqso ah u xireen nin 25-jir oo laga shakisan yahay weeraakaan iyagoona sheegay in goobta falkaan uu ka dhacay ay ka heleen mindi, waxayna intaas ku dareen inaysan raadineynin cid kale oo ku lug leh weerarka.

Amess oo ka tirsanaa xisbiga talada dalka haya ee Conservative ayaa ku geeriyooday da’da 69, isagoona baarlamaanka dalka UK ka mid noqday sanadkii 1983.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.