Xoghayaha degmada Hodan oo Caawa lagu dilay Muqdisho.
Rag hubeysan oo katirsan guutada Muxammad bin Maslama ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxay ku dileen masuul katirsan maamulka gobolka Banaadir.
Xoghayaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ninka lagu magacaabo Cabdul Qaadir Afdheere ayaa caawa lagu toogtay qeybo kamid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ragga dilka geystay ayaa goobta si nabadgeliyo ku dheehantahya kaga tagay, waxaana meydka masuulka goordambe qaaday ciidamada Dowladda federaalka.