Dagaal Muqdisho ku dhexmaray Al-Shabaab iyo Dowladda Federaalka.

 

Ciidamo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar toos ah waxay ku qaadeen saldhig ciidamada Dowladda federaalka ku leeyihiin degmada Dayniile.

Dagaalka oo ahaa mid culus la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ka dhashey khasaare gaaray Ciidamada Dowladda federaalka.

Ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa ku naf waayay dagaalka, sida ay soo tabinayaan dad xog ogaal ah.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerarka kadib waxay ku laabteen goobihii ay kasoo duulaan tageen.

Marka laga soo tago qaraxyada iyo camaliyaadka Nafhurnimada ah, waxaa Muqdisho ka dhaca weeraro toos ah oo ay fuliyaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.