Dagaallo ka dhacay gobollo kamid ah Soomaaliya.

 

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay qaadeen silsilado howlgallo ah oo lagu beegsaday ciidamada Shisheeyaha, kuwa Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Shabeellaha Hoose, ciidamada Mujaahidiinta waxay dagaal culus ku qaadeen saldhig ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin deegaanka Ceel Jaalle ee duleedka magaalada Marko.

Waxaa sidoo kale la weeraray saldhiga ciidamada Shisheeyaha ee degmada Jannaale.

Awdheegle, kamiin ka dhacay duleedkeeda waxay ciidamada Mujaahidiinta ku dileen 2 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Jubbada Hoose, jaziiradda Kudhaa ayay ciidamada Mujaahidiinta weerar culus ku qaadeen, waxaana lasoo warinayaa waxyeello kala duwan.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.